Prof Maxamed Osman Jawaari ayaa noqonaaya musharaxii ugu horeeyey ee ka soo jeedo beelaha digil iyo mirifle ee isu soo taaga xilka Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia. Arrintani ayaa fashil ku ah qorshe ay wateen shaqsiyaad kooban oo dhaqanka Digil iyo Mirifle ka mid ah iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku doonayeen in xoriyada looga qaado muwaadinka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beelaha DM ee ah iney wax dooran karaan isla markaasna la soo dooran karo. Waxaa jirtey declaration form ama statement dhaar ah oo laga saxiixey xildhibaanada ka soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle ka hor inta aan loo gudbin Guddiga Farsamada ee soo Xulista Barlamaanka, hase ahaatee ah mid sharci daro oo masuuliyad xumo ka muuqato, arrintaas oo ay ku kaceen shaqsiyaad u adeegaaya dano gaar ah iyo ujeedooyin siyaasadeed oo Shariif Xasan Sheikh Aadan leeyahay u adeegeysa balse aan ka turjumeyn maslaxda guud ee ummada Soomaaliyeed meel kastaa ay joogto.
Musharaxaas oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, waxuu xilal hore oo wasiiro ka soo qabtey xukuumadii Maxamed Siyaad Barre, isagoo mar noqodey Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, sidoo kalena waxuu ka mid ahaa guddigii diyaarinta Dastuurka Cusub ee Somalia. Maxamed Cismaan Jawaari oo ka soo jeeda beesha dega Buur Hakaba ayaan weli si rasmi ah u shaacin inuu yahay musharax, balse warar la hubo ayaa sheegaaya inuu yahay musharax u taagan jagada gudoomiyaha barlamaanka Somalia. Haddii Jawaari uu si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu yahay Musharax u tartamaaya jagada Gudoonka Sare ee Barlamaanka ayaa waxay arrintaani sidoo kale wado u fureysaa muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee raba iney ka mid noqdaan tartanka Gudoomiyaha Barlamaanka waxay meesha ka saareysaa damaca iyo riyo maalmeedkii Shariif Xasan Sheikh Adan ee tartanka jagada Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa olole xoogan ugu jira in saxiibkiisa siyaasada Prof Jawaari inuu xilkaasi ku guuleysto, isagoo u arka shaqsi uu la shaqeyn karo haddii mar labaad xilka madaxtinimada dalka uu ku guuleysto. Waxaa la filayaa musharaxiin kale oo badan iney xilkaas isu soo taagaan marka si rasmi ah loogu dhawaaqo xubnaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com