Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/Kaafi Hilowle Cusmaan ayaa ka dhawaajiyay in maxaabiista Al-Shabaab ee ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho la iibsado, taasi oo keentay in maleeshiyaadka Shabaab ee Dowladdu sii deysay ay magaalada gudaheeda ka geystaan falalka dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo weerarada xarumaha Dowladda.
C/Kaafi Hilowle Cusmaan oo khudbad ka jeedinayay munaasabad loogu baroor diiqayay Guddoomiye K/Xigeenkii Degmada Yaaqshiid Raxmo Daahir Siyaad oo kooxo hubeysan ay ku dileen gurigeeda hortiisa, ayuu ka codsaday madaxda sare ee Dowladda inay sharci degdeg ah ka soo saaraan dilalka ka dhacaya Muqdisho.
(Daawo Video)
[vsw id=”bSS7Kdg-DKs” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Idale News Muqdisho