Magaalada Muqdisho ayaa si aad iyo aad ah uga duwan Muqdishadii beri ku caan baxdey dagaalada & macluusha. Weli cabsi ammaan daro ayaa ka jirta magaalada, waxaa dhaca dilal qorsheysan maalin walba hase ahaatee dhaqdhaqaaq dhinacyo badan ayaa magaalada ka socda; hoteladii magaalada waxaa buux dad kala duwan oo isugu jira ganacsato lacag xoog badan kala yimid qurbaha oo mehrado ama fursado ganacsi doon doon ugu jira, siyaasiyiin dhaqaale wata oo doonaaya iney ka mid noqdaan barlamaanka cusub, iyo kuwa kale oo dowlada la soo dhisaayo rajo ka qabo iney soo galaan oo dhamaan lacago ku bixinaaya sidii ay u meel mari lahaayeen hadafkooda siyaasadeed. Waxaa intaasi sii dheer madaxda sare ee dowlada ee musharaxiinta ah iyo musharaxiinta madaxtinimada Somalia oo kulamo iyo martiqaad joogta ah ku qabta xarumaha dowladda, hotelada waaweyn ee magaalada iyo guryo gaar loo leeyahay.
Ganacsigii magaalada ayaa meel wanaagsan gaarey, maqaayado farabadan ayaa meel kastaa laga furey, dhismoyaal cusub iyo dayactir baahsan ayaad arkeysaa . Kuraastii barlamaanka cusub ayaa noqdey mid la kala dilaalo, waxaana wararka hoose sheegayaan in odey-dhaqameedyada qaar ay siisteen kursaasta beelahooda lacag u dhaxeysa 8000$ ilaa 15000$, siyaasiyiinta ayaa laaluusha cid kastaa ay is leeyihiin kursiga xildhibaanimo wey kuu soo dhicin kartaa. Odey-yaal dhaqameedkii ayaa iyaguna isbedel ku yimid, oo bartey dhaqaale iyo in wax-xoogaa loo laabo markastaa oo la soo booqdo, waxayna yeesheen gacanyare lacagaha ay helaan u sii dhiibaan si aan loogu arag.
Madaxda sare ee dowlada ayaa afur iyo casho sharaf joogto ah u sameeya siyaasiyiinta iyo odey-dhaqameedyada si ay ujeedadooda uga gaareen, taasoo dan yarta suuqyada magaalada Muqdisho ku iibisa qudaarta, hilibka, caanaha iyo waxii la mid ah soo gelisey dhaqaale aad u badan, ganacsigoodiina laba-laabtey. Maqaayado iyo hotelo dhowr ah ayaa magaaladii ku soo kordhey. Baabuurtii BL ayaa qiimo u dhigma 1 dollar lagu raacaa qofkiiba, dadkii magaalada ayaana wax dhib ku qabin iney helaan 4 dollars ee maalin walba kaga baxdo isu socodka magaalada.
Baabuur si gaar ah loo leeyahay ayaa magaaladu la soo baxdey, waxaase sii dheer baabuur kiro ah iyo waardiyaal aad isku kireysaneyso haddii aad rabto inaad magaalada dhex mushaaxdo, maalintiina waa 50 dollar ugu yaraan. Dollarkii ayaa bedelay lacagtii shilin Soomaaliga dalka.
Si kastaba ha ahaatee, doorashada iyo loolanka adag ee hadda jira ayaa magaalada Muqdisho ku soo kordhiyey maaliyad faro badan, balse waxaa dad badan oo Soomaaliyeed isweydiinayaan, haddii siyaasiyaddii ama kuraastii Qaranka Soomaaliyeed lahaa dhaqaale lagu bedesha ama laaluush la dhaafsado, sidee loo heli karaa masuuliyiin berito dadka iyo dalka Soomaaliyeed si daacad ah ugu adeegga, mise waa kuwii xaalka uga sii dari lahaa haddii ay himiladooda gaaraan, Shaqada Qarankana ku bedesha iney iney lafahooda u shaqeystaan oo lacagihii ay bixiyeena iyo in ka badan halkaas ka helaan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com