Badda Jubada Hoose oo shidaal laga helay iyo Muran ku aadan in Kenya loo gacan galsho oo ka taagan

0
238

ceelshidaal

Shirkad lagu Magacaabo Statoil oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa shaacisay in badda Jubada Hoose uu ku yaalo ceel shidaal oo ah nuuca loo yaqaan L26 kadib markii ay baaritaanno Shidaal baaris ah ku sameysay.

Shirkada ayaa u soo bandhigtay Madaxweynha Jubaland shidaalkaas si Madaxweynuhu uu ugu gudbiyo Xukoomada Soomaaliya .

Shirkada oo la sheegay in ay mar hore la gashay Qandaraas Shidaal qodis ah Dowlada Kenya ayaa waxaaa cadaatay in dhulka ceelku ku yaal ay leedahay Soomaaliya maadaama ay tahay dhinaca badda.

Dowlada Kenya ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in badda ceelku ku yaal loo saxiixo taasoo oo muran badan keentay.

Shirkada ayaa sheegtay in Afar Ceel oo kale ku taal badda Jubada Hoose. Arinkaan ayaa waxa ay reer galbeedka ku dhalisay in bada Soomaaliya baaxadeeda lagu soo koobo 12 Mile halki ay awal ka aheyd 200 miles. Si ay reer galbeedku uga qotaan Shidaalkaas faraha badan ee Jubaland State.

Xog hoose oo laga helaayo Kismaayo, ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay wado Qorshe ay shidaalkaasi kula baxeyso, iyadoona ay wararku sheegayaan in iminkaba uu socdo dadaalkii ay Kenya kula bixi laheyd Shidaalkaasi.

Khilaaf xoogan ayaa waxa uu ka dhex taagan yahay Maamulka halkaasi ka arimiyo, waxaana la sheegayaa in Khilaafka uu ka taagan yahay in loo Ogolaado in Kenya ay soo saarto Shidaalkaasi isla markaana 70% iyada la siiyo, halka Mas’uuliyiinta qaarna ay ka qabaan in Kenya ay arrintaasi faraha kala baxdo oo ay ku ekaato howsha loo idmaday.

Ugu dambeyntii, Somaaliya ayaa waxa ay tahay wadan qeyraadbadan oo hadana aan badan kood lala soo bixin, iyadoona ay Caalamku u tafa xeydanayaan sidii ay ula soo bixi lahaayen.

Idale News