Guddiga kormeerka QM u qaabilsan cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen eedo ka dhan ah Agaasimaha Machadka Heritage Cabdi Ceynte ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho
Warbixintan ayaa sheegtay in Cabdi Ceynte uu ka mid yahay labada qofood ee lacagta ka soo qaaday dowladda Qatar si loogu taageero doorshada madaxweyne Xasan Sheikh Max’ud.
Warbixinta oo ay Shabelle heshay nuqul ka mid ah ayaa waxaa lagu sheegay in Cabdi Ceynte uu ka mid yahay urur diimeedka Aala Sheekh uuna isla markaa gacansi la wadaago madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Warbixint guddiga ayaa lagu sheegay in Machadka Heritage lacagtii lagu bilaabay ee maalgelinta ahayd ay ka heshay dalka Qatar
Warbixinta QM oo goor dhow si rasmi ah loo shaaciyay ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeysaa in qof lagu magacaabo Fahad Yaasiin uu yahay mas’uul meel sare ka jooga machadka Heritage oo ay warbixintu ku sheegtay in uu la jiro dowladda federaalka.
Cabdi Ceynte iyo Fahad Yaasin ayaa ah saxafiyiin la yaqaano oo ka soo shaqeeyay TV-ga caalamiga ah ee Aljazeera ee fadhigiisu yahay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Cabdi Ceynte ayaa si xoog leh isaga fogeeyay eedahan loosoo jeediyay asaga oo ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.
Fahad Yaasin oo ay isku heyb yihiin wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax C/qaadir ayaa markii uuka keenayay lacagtaasi Dalka Qatar waxaa uu rajeynaayay in uu wasiir ka noqdo dowladda DF balse Faarax C/qaadir oo awooda dalka iyo tan dowlada gacanta ku haya ayaa banaanka dhigay Fahad Yaasin.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Fahad Yaasin markii dambe lagu qanciyay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuti.
Idale News Online