Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda Beelaha H/gidir iyo Mudullood ayaa maanta shir ka yeelanaya arrinta Xasan Dahir oo muddo labo todobaad ka badan ku jira gacanta dowladda, iyadoo waxgaradka beesha H/gidir ay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu balanta ugu baxay.
Mid ka mid ah waxgaradka H/gidir oo lagu magacaabo Suldaan Mahdi ayaa sheegay in balankii ahaa 7-maalmood ay qabsadeen in lagu sii daayo Xasan Dahir la soo dhaafay, isla markaana ay maalmo dheeraad ah sii raaceen, isagoo xusay in Madaxweynaha ay u direen Xildhibaanada beesha ka soo jeeda.
“Markii labo maalmood ay sii raacday mudadii 7-maalmood ayaa xildhibaanada u tageen Madaxweynaha wuxuu ku yiri, Xasan Dahir saxaafada haka hadlo, hana iska berri yeelo Al-Shabaab”ayuu yiri Suldaan Mahdi.
Waxaa uu sheegay in arrinta Xasan Dahir ay go’aansadeen in loo gudbiyo Beelaha Hawiye, hase ahaatee ay la soo xiriireen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Mudullood, ayna iyaga ka dalbadeen inay iska arkaan marka hore.
“Walaalaha Mudullood ayaa nala soo xiriiray, ilaa aan iska aragno yaan go’aan la gaarin, anagana waxaa go’aansanay in arrinta Hawiye loo wareejiyo, maadaama la dhaho H/gidir waa fududahay, iyo dagaal ka galee, arrimahaas dhan si aanay u dhicin ayaan Hawiye ugu wareejineynaa”ayuu sii raaciyay.
Xasan Dahir Aweys ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay u soo gacan galay dowladda Soomaaliya, markii odayaal iyo waxgarad ku heyb ah ay ka keeneen degmada Cadaado oo uu u soo baxsaday markii uu ka soo cararay Baraawe.