Saddex ka mid ah baalayaashii nalalka ee ku shaqeynayay qoraxda ayaa saaka lagu qarxiyay Jidka Sodonka, halkaasoo labo bilood ka hor uu ka hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo weerarkan uu yahay kii labaad oo lagu qaado baalayaasha laga taagay Jidka Sodonka.
Laba qarax oo lagu xiray ilaa saddex baallo oo ku yaalay Isgoyska Al-Baraka ee degmada Hodan ayaa lagu qarxiyay, iyadoo baalayaasha ay dhulka u soo dhaceen abaarihii salaadii subax sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada lagu bur buriyay saddex baalle oo ka mid ahaa kuwa dhowaan laga hirgeliyay wadada, dadkuna ay iftiisan jireen xilliyada habeenkii.
Ma jirin wax qasaare ah oo uu geystay qaraxan marka laga reebo bur burka baalayaashii oo gebi ahaan dhulka u soo dhacay, waxaana arrintan aad uga xumaaday dadka deegaanka.
Wadada Sodonka ayaa ka mid ah wadooyinka waa weyn ee isku xira degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ay aheyd bishii May markii Maamulka Gobolka Banaadir uu wadadaas ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya qoraxda.
Nalalka ku shaqeeya qoraxda ayaa horay looga hirgeliyay wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadada Wadnaha, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inuu nalalkan geyn doono wadooyinka magaalada.
Idale News ONline Mogadishu, Somalia