Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland oo sheegay in dowlada Federaalka iyo Maamulkooda isfahan u bilowdey, sheegayna in la kordhiyey tirada xildhibaanada

0
238

Kulan maanta ka dhacey Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo isla markaasna dhex marey ergadii soo dhistey maamul goboleedka Jubaland iyo maamul goboleedka Jubaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Max’ed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ergadu siiyeen waqti dheeraad ah oo gaaraaya ilaa 30 cisho si ay u soo dhameystiraan maamulka Jubaland.

Fartaag

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland C/laahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo saxaafada la hadlaayey ayaa sheegey in meel fiican ay marayaan xiriirka dowlada Federaalka iyo maalmulkooda Jubaland u dhaxeeya, lana rajaynaayo in dhowaan wada hadaladaaasi hoose ay natiijo fiican ka soo bixaan. Dhanka kalena waxuu sheegey in 10 xildhibaan lagu kordhiyey xubnaha barlamaanka  Jubaland ee la dhisi doono taasoo dadka qaarkiis ay u macneysteen in kordhintaasi ay qeyb ka tahay qeyb ka mid ah codsiga dowlada federaalka ay ku dooneyso in la balaariyo xubno dhankeeda ka socda oo ka qeyb noqda barlamaanka maamul goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan a hadlaayey Telefeeshinka Caalamiga ee Universal TV isaguna mar la weydiiyey khilaafka dowlada federaalka iyo maamulka Jubaland sheegay inay dadka Soomaaliyeed maqli doonaan arrin farxad gelisa iyo heshiis kama dambeysa ay labada dhinac gaaraan.

Dhowaan ayey aheyd markii ergo ka kala socota maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iyo Wafdi dowlada Somalia ka socda isla markaasna hogaaminaayey ninka ugu tunka wayn dowlada Federaalka Soomaaliya ahna wasiirka Madaxtooyada Faarax C/qaadir ay isuga yimaadeen magaalada Addis Ababa, kaasoo warar hoose ay sheegayaan in muddo Maamulka Axmed Madoobe la aqoonsan doono muddo 2 sano ah, ka dibna la qaban doono doorasho guud oo mar kale lagu soo doorto madaxweynaha maamulkaasi.

Idale News Online