Waxaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda militariga Masar lagu wareejiyo 4 diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo qeyb ka ah heshiis horey u dhexmaray Maraykanka iyo Masar oo dalbatay 20 diyaaradood oo nooca militariga ah. Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in aan hakad la gelin doonin mashruucaasi xili ay soo baxayaan su’aalo badan oo la iska weydiinayo in Maraykanka uu sii wadi doono Deeqda 1ka Bilyan ah ee uu sanad walba siiyo Dowlada iyo Militariga Masar.
Baarlamaanka Maraykank ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka hadlay qeexida falkii ay ku kaceen militariga Masar oo hadii uu Maraykanka u aqoonsado inuu ahaa Afgambi militari ay sharciyan adkaan doonto in wax deeq ah oo uu Maraykanka leeyahay loo diro Masar, maadaama sharciga Maraykanka uu qorayo in aan la taageeri karin dowladaha ku yimaada habka inqilaabka militari ah.
Dowlada Maraykank ayaa illaa iyo hada ka gaabsaneysa inay inqilaakii Militariga Masar xilka uga tuureen Madaxweynaha la doortay ee Morsi ay ku tilmaamaan afgembi.
Dhinaca kale Xeer illaalinta dalka Masar ayaa soo saartay amar ah in lasoo xiro hogaamiyaha xisbiga Ikhawaan Muslimiinka Mohamed Badie iyo 9 kale oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ka tirsan xisbigaasi oo ay ku eedeeyeen inay dadka kiciyeen.
Taageerayaasha Ikhwaan muslimiinka ayaa sii xoojiyey banaanbaxyadooda iyagoo xalay sidoo kale isugu soo baxay magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Masar ee Alexanderia.
Idale News Online