Somaliland oo ku guulaysatey in Maamulka Hawada Somalia laga maamulo magaalada Hargeysa

0
172

Waxaa dhamaaday wada hadalkii labo maalmood magaalada Istaanbul ee dalka Turkiga uga socday wafuud ka kala socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo ka wada hadlayey qodobo gaaraya toban qodob oo la xariiray xiriirka Somaliland iyo Federaalka Soomaaliya.

somaliVsSomalilandTurkey
Kulankan oo marar badan qarka u joogsaday in uu burburo ayaa gebo gebadii laga soo saaray  qodobo la sheegay inay isku afgarteen wafuudii labada dhinac ka kala socotay.

Qodobada is afgaradka laga soo saaray ayaa kala ah

1- In Somaliya maamulida Hawada kala wareegto Qaramada Midoobay
2- In hawshaan uu la wareego guddi labada dhinac ka socda oo fadhigoodu noqon doono (Hargeysa).
3- In muddo 4 bilood gudahood ah markale labada dhinac isugu yimaadaan wadahadalka oo sii socon doona.

Qodobadan ayaa muujinaya sida la isugu mari waayey qodobadii kale ee muhiimka ahaa sida madax banaanida Somaliland, balse wafdiga Somaliland ayaa ku guuleysatay inuu hal qodob oo muhiim u ah loo fuliyo kaasi oo aahaa inaan marnaba Hawada Soomaaliya laga hagin magaalada Muqdisho, arrintaasi oo uu maamulka Soomaliland si weyn u qaadacay tan iyo heshiiskii bishii May magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Wasaarada Isgaarsiinta iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsaneyd arrimaha hagida hawada Somaliya.

Qodobkan wax faah faahin dheeraad ah kama bixin in Qalabkii lagu waday in Airporka Muqdisho lagu rakibo ee hagida hawada Soomaaliya, loo wareejin doono magaalada Hargeysa iyo in kale, balse mar walba wuxuu qodobka kasoo baxay shirka Istanbuul guul u yahay wafdiga Soomaaliland oo ku adkeystay in diyaaradaha hawada Somaliland maraya aan laga hagi karin magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socday dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hogaaminayey Cabdikarim Xusen Guleed, halka wafdiga Soomaaliland uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cumar oo horey u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland.

Macada sababta keentay in kulankan qodobadii la isku afgaran waayey in laga soo dhex saaro arrinta Hawada Soomaaliya, balse waxaa lagu sheegay inuu ahaa qodob ay si weyn ugu dheganaayeen wafdiga Somaliland, hadii qalabkii hawada Somaliya lagu hagi lahaa xarun loga dhigo Hargeysa, waa mid guul u ah maamulka Somaliland.

Qodobada kale ee labada dhinac la yimaadeen ayaa ahaa kuwo aan horey loo fileyn in wax is-afgarad ah laga gaaro, maadaama ay aad ugu kala aragti duwanaayeen labada dhinac.

Horey ayey u jireen xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku eedeeyey wadahadaladii horey uga dhacay dalka Turkiga ee dhexmaray wafuuda Federaalka iyo Somaliland, in meel ka dhac uu ku ahaa midnimada Soomaaliya, iyadoo aan la aqoon sida ay xildhibaanada Soomaaliya usoo dhaweyn doonaan qodobka ku aadan Hawada Soomaaliya in guddiga hagi doono uu noqonayo mid fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaa horey amaro u soo saaray in Somaliland aysan soo cago dhigan karin diyaarado fasax laga soosiiyey Muqdisho, wuxuuna maamulkaasi horey u dhaqan geliyey in xabsi la geliyo xubnaha xilalka ka haya Dowlada Federaalka ee booqashada ku taga dhulka uu ka taliyo maamulka Soomaliland.

Idale News Online