Sawiro: Raashiin Deeq ah oo la gaarsiiyey dadka ku barakacey gudaha Magaalada Kismaayo

0
265

Barakacayaaha gudaha magaada Kismaayo ayaa markii ugu  horeysey loo qeybsahay raashiin isugu jira Sokor, Saliid, Bariis oo ah kaalmadii ugu horeysey ee wadan ka mid ah wadamada Carabta ay soo gaarsiiso dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan magaalada oo aan helin wax mucaawino ah sanooyinkii la soo dhaafey.

Raashiinkismayo1

Raashiinkismayo4 Raashiinkismayo3 Raashiinkismayo2

Hay’ad Soomaaliyeed oo laga leeyahay dalka Oman laguna magacaabo Somali Association for Relief & Development Action “SARDA” ayaa  qoyskiiba u qeybisey kaalmo ku filan ilaa dhamaadka bisha Ramadaan.

Magaalada Kismaayo ayaa xudun u ah Khilaaf baahsan oo ay dadka deegaankaasi wada dega ka aloosan taasoo ay u sii dheer tahay in Maamulka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam iyo dowlada Federaalka oo aan is aqoonsayn oo xaalada bani’aadanimo uga sii dartey, kaalmadii ay dadka u baahnaayeena aysan halkaas sidii la rabey u gaari karin.

Idale News Online