Mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta ansaxiyay hindise sharciyeedka maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay maalmahan ka doodayeen. Tirada xildhibaanada kulankii manta joogay ayaa gaaraaya 142 xildhibaan halka in ka badan 130 xildhibaan ay fasaxyo ay ugu kala maqan yihiin dalka dibadiisa.
Gudiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha gudaha iyo maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta baarlamaanka hor keenay hindise sharciyeedkan ka dib markii ku daris iyo ka dhimis ay ku soo sameeyeen.
Waxaa u codeeyay hindise sharciyeedka 137 xildhibaan 2 xildhibaan weey diideen halka sedax xildhibaana ay ka aamuseeen.
Hindise sharciyeedkan maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa muhiim u ah sameeynta maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.