Lampedusa, (INO) — Sarkaal katirsan QM ayaa sheegay in Muhaajiriin ka yimid Qaaradda Africa oo ka badan 700 oo Qof ay Doontii ay la socdeen kula degtay Xeebta dalka Libya.
Ciidanka dalka Italy & Libya ayaa Howlgallo baadi Goob & samata-bixin isagu jira kawada Xeebta Libya, waxaana Warar hordhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in 28 ruux oo kamid ah dadkaasi lasoo badbaadiyay.
Saraakiisha UN-ka u qaabilsan dhanka Qaxootiga, ayaa sheegay in ay u maleynayaan in inta badan Dadkaasi Muhaaririinta ah ee Doonta Xalay kula degtay Xeebta Libya ay dhinteen.
Doonta ayaa waxay ku degtay meel u dhaw Jaziiradda ku taalla dhanka Koonfureed ee dalka Taliyaaniga ee Lampedusa, waxaana halkaasi hadda Howlgall samatabixin ah kawada Ciidanka badda dalka Taliyaaniga.
Sababta ka danbaysa inay Doontan degto ayaa waxaa la sheegay in Dadkii la socda Doonta ay hal dhinac u bateen markii ay kusoo dhowaatay Markab weyn. Wali lama kala xaqiijin Dalalka ay u kala dhasheen Dadkan Doonta ay la degtay Xalay.
QM ayaa sheegtay in hadda la xaqiijiyay in Dadkan Muhaajiriinta ah ay geeriyoodeen waxay noqon doontaa masiibadii ugu weynayd ee ka dhacda Safarka Tahriibka Badaha Caalamka.
1,500 oo Ruux ayaa ku dhintay Xeebaha dalalka Libya & Taliyaaniga tan iyo billowgii sanadkan 2015, iyadoo marba marka kasii danbaysa ay sii kordhayaan Dadka kasoo tahriibaya Qaaradda Africa ee ku socdaalaya Badda Mediterranean.
Idale News Online – Lampedusa