7 Al shabaab Ah Oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Degmada Buurdhuubo

0
264

Buurdhuubo (INO) –– Sarkaal kamid ah Ahlu Sunna ayaa sheegay in 7 kamid ah Al shabaab ay ku dileen Dagaal Saakay oo Khamiis ah ka dhacay Degmada Buurdhuubo, ee Gobolka Gedo.

Cabdi Cabdulle Ciise ayaa sheegay in Dagaalka Degmada Buurdhuubo uu yimid kadib markii Kooxda Al shabaab ay Weerar dhowr Jiho ah kusoo qaadeen Fariisamo ay Ciidanka Ahlu Sunna & kuwa Dowladda ku leeyihiin Duleedka Degmada.

“Dagaalka wuxuu ka dhashay Weerar Gaadmo ah oo Al shabaab Degmada kusoo qaaday, waxaana Ciidanka Ahlu Sunna & kuwa Dowladda Soomaaliya ku guulaysteen inay iska-caabiyeen Weerarka,” ayuu yiri Cabdi Cabdulle.

Xaaladda Goobihii lagu dagaalamay ayaa ah mid deggan, waxaana Ciidanka Dowladda ay samaynayaan Howlgallo ay ku xaqiijinayaan Amaanka Degmada Buurdhuubo, oo Al shabaab laga saaray bishii Maarso 2014.

Al shabaab wali kama aysan hadlin Weerarka ay ku qaaday Degmada Buurdhuubo.

Idale News Online – Burdhubo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here