Afgooye(INO)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw qarax Bam uu ka dhacay suuqa Ariga ee degmadaasi, kaasi oo khasaare sababay.
Bamkaan ayaa la sheegay in lagu weeraray askar ka tirsan kuwa qaada Canshuurta oo ku sugnaa suuqaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi dhaawac uu kasoo gaaray Lix qof oo shacab u badan sida uu soo sheegayo wariyaheena ku sugan degmada Afgooye Maxamed Cabdi Xasan.
Waxaa hadda hakad ku jira ganacsigii suuqa Ariga degmada Afgooye, waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo howlgallo wada.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Idale News Online, Afgooye