Dhageyso:Rag ka tirsan Al-Shabaab oo isku qarxiyay duleedka Buur-Hakaba Ee Gobolka Bay

0
414

Buur-hakaba (INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in lix nin oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku qarxiyeen duleedka Buur-Hakaba, markii guri ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa lagu weeraray.

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed iyo ciidamada AMISOM oo wada socda ayaa weerar ku qaadan deegaan lagu magacaabo Raydable oo u dhaxeeya Baydhabo iyo Buur-Hakaba, waxaana ay hareereeyeen Guri lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa.

Guddoomiyaha Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay isku gadaameen guri lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa oo ay xog ku heleen.

Waxaa uu sheegay in markii ay ka dalbadeen ciidamada inay isa soo dhiibaan ay ku gacan seyreen, isla markaana lix ka mid ah ay is qarxiyeen.

“Tuulada xalay habeenimo ah ayaa isku-weer ka qabanay, waxaa ka soo furanay hub, saddex nin waa soo qabanay, lix kale oo diiday inay is dhiibaan waa is qarxiyeen, rasaas ayayna nagu soo fureen, guriga oo dhan waa gubtay, hada madaxdooda oo go’an ayaa keennay Buur-Hakaba”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Buur-Hakaba.

Dhinaca kale Taliyaha Nabadsugida Koofur Galbeed Maxamed Isaaq Aflow ayaa sheegay inay ka hortageen qaraxyo Al-Shabaab ka geysan rabeen deegaanada Koofur Galbeed, isagoo xusay in deegaanka ay weerareen ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo.

W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here