5 Nin Oo Kenyan Ah Oo La Sheegay Inay Ku Xiran Yihiin Xabsi Ku Yaallo Magaalada Kismaayo

0
237

Kismaayo(INO)-Shan nin oo Kenyan ah ayaa la sheegay inay ku jiraan xabsi ku yaallo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, xabsigaasi oo ay maamulaan Maamulka KMG ee Jubba, sida ay ku waramayaan Warbaahinta dalka Kenya.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray warkaan ku saabsan in shan muwaadin oo u dhashay dalka Kenya ay ku xiran yihiin Magaalada Kismaayo, kadib markii dabley ay soo afduubteen raggaan.

Shanta nin ayaa lasoo afduubtay 11-kii Bishii October ee sanadkii la soo dhaafay dableey foolka soo duubatay ayaa dhulka kaynta ah ee Boni ka afduubatay xilli markaa ay ku sii jeedeen deegaanka Kiunga oo Lamu ka tirsan.

Dableyda hubaysan ayaa raggaan markii ay hayeen labo isbuuc ay sii daayeen, waxaana markii hore ay lasoo aadeen gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo Wargeyska uu tabinaayo in lasii daayay raggaan.

Markii la sii daayay shan taan nin ayaa waxa ay aadeen dhanka Magaalada Kismaayo oo ah xarunta Maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi ku xiray ciidamada Maamulka Jubbaland oo amar ka haysta ciidanka difaaca dalka Kenya ee loo yaqaan KDF.

Mid ka mid ah ragga xiran oo Taleefoonka ugu waramay Wargeyska The Standard ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Jubbaland ay xireen, ilaa iminkana ay xabsiga ku jiraan, isaga oo sheegay inaysan haysan cunto fiican oo ay cunaan iyo sidoo kale daryeel caafimaad intaba.

Ninka Wargeyska u waramay ayaa magaciisa waxaa la dhahaa Anwar Abdi, wuxuuna intaasi raaciyay in ehelkooda ay isku dayeen  in Hogaamiyaha Maamulka Jubba ay kala xaajoodaan siideysmada raggaan, balse Axmed Madoobe uu sheegay in amuurtan isaga ay ka wayn tahay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee raggaan xabsiga loo dhigay, hayeeshe waxaa la sheegayaa inay u xiran yihiin amar dhinaca Dowladda ah, maadaama looga shakiyay raggaan ku biirista Shabaabka.

Magacyada shantan nin ee la sheegay inay ku jiraan xabsiga Kismaayo ayaa kala ah Anwar Abdi, Ali Omar, Abdirahman Mohamed, Deeq Mohamed iyo Shukri Noor.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here