DHAGEYSO: 3 Milyan oo Soomaali ah oo la sheegay inay heysatao xaalad nafaqo daro

0
207

Muqdisho(INO)-Inka badan seddex milyan oo ruux oo ku sugan dalka Soomaaliya kana badan 20% dadkii la diiwaan geliyay sanadkii hore ayaa la sheegay inay u baahan yihiin gargaar sabab la xiriirta nafaqo daro dadkaasi soo wajahday, sida hayadaha Qaramada Midoobay ay sheegeen.

UNHCR

Digniinta ayaa timid seddex sano kadib markii 250,000 Soomaali ah ay u dhinteen abaar ku dhifatay dalka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay wajahayaan xaalado bini’aadanimo, inka badan 1 milyan oo Soomaali ah ma awoodaan inay helaan nolosha aasaasiga ah, 20% ayaana ku korortay tan iyo bishii February 2014”sidaasi waxaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay hayada UNOCHA.

tani waa markii ugu horeysay oo tirade dadka caawinaada u baahan ay sii kordhaan tan iyo dhamaadkii 2011, markaa oo Soomaaliya abaar daran ay ka dhacday”sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka hayada.

Kumanaan dad ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalka u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamada dowlada ee garabka ka helaya AMISOM, iyadoo abaaro iyo daadad ay ku dhufteen gobolo ku yaala dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Qaar kamid ah dadka ayaa waxaa kamid ah caruur da’dooda ay ka hooseyso da’da 5 sano jirka, kuwaasi oo xaalad nafaqo daro ay heysato, sida Qaramada Midoobay ay sheegtay.

Idale News Online, Muqdisho