Dhageyso: 3 Haween Ah Oo Xaley Lugu Diley Xaafada Siliga Ee Magaalada Baydhabo

0
359

Baydhabo(INO)Amaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya oo maalinbo maalinta ka dambeysa ay ka dhacayaan Magaaladaasi dilal fool xun oo loo geesanayo dad shacab ah.

0haween-la-laayey

 

Waxaa Xalay Magaalada Baydhabo si xun loogu dilay Sadax Haween ah oo kunoolaa Xaafada Towfiiq ee Magaaladaasi, Haweenkaasi ayaana la sheegay in lagu dhax dilay gurigooda kadib markii Dabley hubeesan ay ugu galeen.

 

Haweenka la dilay ayaa la sheegay in jirkooda ay ka muuqatay rasaas aad u badan oo lagu dhuftay, waxaa sidoo kale goob joogayaal ku warameen in qaar kamid ah Sadaxdan Haween jirkooda la jar jaramay markii la dilay kadib.

 

Gudoomiyaha Haweenka Magaalada Baydhabo ayaa si kulul u canbaareysay dilka xalay Magaalada Baydhabo loogu geestay Sadaxda Haween, waxa ayna tilmaantay in aysan aqoon sababta ka dambeysa dilka loo geestay Haweenkaasi ay tilmaantay in ay ahaayeen dad rayid ah.

 

Dhawaan Magaalada Baydhabo waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Culumaa’udiin caan ka ahaa Magaaladaasi , Waxgarad iyo Haween , waxaana dilkii ugu dambeeyay xalay uu ahaa midka loo geestay sadaxdan haween, iyadoona maalmo kahor sidan oo kale Baydhabo loogu dilay Nin nabadoon ah iyo Xaaskiisa.

 

 Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here