Heshiiskan oo ahaa mid tijaabo ah ayaa waxaa bankiga aduunka lacag gaareysa 2 Million oo dollar ugu deeqay wasaarada isgaarsiinta iyo boostada Dowlada Federaalka ah ee Somaaliya,waxaana dhinaca Somalia u saxiisay wasiirka isgaarsiinta iyo boostada D.F.S mudane Maxamed Aadan Ibraahim dhinaca bankiga aduunka waxaa u saxiisay Tim Kelly oo ah madaxa qaybta isgaarsiinta ee bankiga aduunka.
Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen deeq bixiyaasha iyo khuburo caalami ah oo dhanka isgaarsinsta ku takhasusa ayaa lagu lafa gurayey siyaabaha lagu horumarinkaro isgaarsiinta soomaaliyeed sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa garyaqaanka guud ee dowlada Soomaaliya mudane Cismaan Cilmi Guuleed.
Wasiirka isgaarsiinta iyo boostada mudane Maxamed Aadan Ibraahim oo kulankaasi ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey heshiiskas oo uu ku tilmaamay mid taarikhi ah sidoo kale u mahad celiyey hayada bankiga aduunka taageerada ay bixisay.
“ Maanta halkan ku saxiixeynaa heshiis dhexmaraya Bankiga aduunka iyo wasaarada isgaarsiinta iyo boostada Somalia,marka waxan rabaa inaan u mahad celiyo Tim Kelly oo ka socda bankiga aduunka iyo garyaqaanka guud ee wadankeena oo saaka nala jooga,waana markii ugu horeysay oo uu ka qaybgalo shir lagu saxiisayo heshiis dhexmaraya Somalia iyo hay’adaha kale ee aduunka” Ayuu yiri wasiirku.
Tim Kelly oo ah madaxa qaybta isgaarsiinta ee bankiga aduunka ayaa sidoo kale u mahad celiyey wasiirka iyo ka soo qayb galayaasha shirka waxaa xusay in isgaarsiinta soomalia ay qayb wayn ka qaadato dhaqaalaha dalka farxad weyn ay u tahay in bankiga aduunka oo qayb ka qaato horumarinta isgaarsiinta soomaaliyeed.
“ Heshiiskan aynu maanta saxiisnay waxaa lagu deeqay wasaarada isgaarsiinta iyo boostada Somalia lacag gaareysa $2 Million oo lagu taageerayo dhismaha qaybta isgaarsiinta,sidoo kale noqon doonta talaabada kowaad oo lagu hiigsanayo wada shaqeyn wanaagsan mustaqbalka dhow. ”Ayuu yiri Tim Kelly .
Agaasimaha guud ee wasaarada isgaarsiinta iyo boostada soomaaliya Mudane Axmad Xaaji Cabdi oo warysi siinayey warbaahinta qaranka ayaa wuxuu faah faahin ka bixinayey heshiiskaasi.
“Waxaa heshiiskaasu yahay heshiis hordhac u ah heshiisyo kale oo so socda oo dowlada Somalia gaar ahaan wasaarada isgaarsiinta iyo boostada lagu caawinayo in ay horumariso qaybta isgaarsiinta casriga ah ee ICT ga,waana grant oo macnihii waa lacag aan dowlada Somalia dayn ku ahayn.Insha allah waxaan rajeyneyna in heshiiskan umadda Soomaaliyeed faa’ido badan in ay ugu jirto. ”ayuu yiri Agaasimuhu.
Heshiiksan taageerada ah oo muddo 2-sano ah socon doonaan ayaa waxaa uu bilow u noqon doonaa heshiiyo balaaran oo lagu taageri doono nidaamka isgaarsiinta dalka si ay bulshada soomaaliyeed oga faa’ideystaan adeegyadaasi.
Idale News Online.