Dhageyso: 2 Haween Ah Oo Lagu Dilay Duleedka Xudur kuwa Kalena Lagu Qafaashay

0
245

Xudur (INO) — Kooxda Al shabaab ayaa Maanta oo Isniin ah waxay ku toogatay Duleedka Degmada Xudur Labo Haween ah, halka kuwa kalena ay ku qafaalatay.

Teaser Image Bakool: 2 Haween ah oo lagu dilay Duleedka Xudur kuwa kalena lagu qafaashayMustaf Aadan Xuseen oo ah Gudoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ayaa xaqiijiyay Dilka Labada Haween, isagoo intaasi ku daray in Al shabaab ay Shacabka ku amreen inaysan aasin Meydadka Haweenka ay dileen.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DFS ay gaareen Goobta oo lagu magacaabo Baallo, islamarkaana 18Km u jirta Degmada Xudur, ee xarunta Gobolka Bakool oo hadda Ciidanka Dowladda ku sugan yihiin.

Bilooyin kahor Al shabaab waxay Labo Haween ah, oo Booliska Soomaaliya ku gowraceen Gobolka Bakool, iyadoo xusid mudan tahay in Degaanno dhowr ah Al shabaab maamulaan.

Halkan Ka Dhageyso Radio Idale

Idale News Online – Xafiiska Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here