Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo goor dhow la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in gacanta lagu haayo koontaroolka Madaxtooyada iyo hareeraheeda, isagoo tilmaamay in ciidamada ammaanku fashiliyeen isku day weerar ahaa.
Qarax xoogan ayaa ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana qaraxa kadib bilowday iska hor imaad toos ahaa oo u dhaxeeyay Ilaalada Madaxtooyada iyo rag hubeysan.
“Nimankii nabad diidka ahaa ayaa weerar fuleynimo isku dayeen albaabka Madaxtooyada dhinaca Boondheere, runtii ciidamada ayaa ka hortagay mana soo gelin, qaar badan waa la laayay, qaar waa la hayaa”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay in xaalada ay degan tahay.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in aanay jirin wax mas’uul ah oo ka tirsan dowladda oo wax ku noqday weerarkaas aanay jirin, hase ahaatee waxaa uu qiray inay jiraan askar ka tirsan dowladda iyo saraakiil inay wax ku noqdeen.
“Wax Mas’uul dowladeed oo wax ku noqday ma jiro, xaalada gacanta lagu hayaa, saraakiil iyo askari ayaa wax gaareen, laakiin dib ayaa ka faah faahin doonaa”ayuu yiri Mr Guuleed.
Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilligii salaadii jimcaha lagu jiray, gaar ahaan xarunta Madaxtooyada oo ay ku jireen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku dukadaan, waxaana wali adag in la helo faah faahin rasmi ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada, iyadoo mid ka mid ah qaraxyada ka dhaceen gudaha.
Goor dhow ayaa waxaa yaraaday rasaastii dhaceysay, waxaana jawiga xarunta Madaxtooyada iyo hareerihiisa uu ahaa mid aad u cakirna oo rasaasta ay ka socotay muddo saacad ah.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idalenews Mogadishu