Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si buuxda isugu raacay in uusan hor imaan Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii dood kulul ay ka dhalatay in Ra’iisul Wasaaraha uu yimaado iyo in uusan imaan.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay inay ka doodaan, si cod loogu qaado inuu yimaado Ra’iisul Wasaaraha iyo in kale, waxaana Xildhibaanada uu u qabtay saddex daqiiqo ku hadlaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa mar walba ka dalbanayay Xildhibaaada inay nidaamka iyo anshaxa dhowraan, isagoo weydiisanayay in Mudane kasta uu hadlo saddex daqiiqo, waxaana mararka qaar xarunta laga dareemayay buuq, isla markaana Gudoomiyuhu uu kala dhex dhexaadinayay Xildhibaanada.
Dooda Xildhibaanada kadib ayaa Gudoonka cod geliyay inta Xildhibaanada diidan inuu Ra’iisul Wasaaraha uu yimaado Xarunta Golaha Shacabka waxaana u codeysay 149-xildhibaan ay diiday, waxaa ogolaatay 7-xildhibaan, halka ay ka aamuseen 75.
Intaas kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha aanu hor imaan karin Baarlamaanka, isla markaana uu doonayo inuu khudbad ka jeediyo, si uu isu difaaco, ha yeeshee ay tirada Xildhibaanada diiday inuusan imaan ay badnaadeen.
Goor dhow ayaa waxaa Xarunta Golaha shacabka ka bilowday dooda mooshinka laga keenay Ra’iisul Wsaaaraha, iyadoo mid mid loo wacayo Xildhibaanada is qoray shalay inay hadlaan, kuwaasoo gaaraya ilaa 83-Xildhibaan.
Dood Xildhibaanada ayaa laga yaabaa inay dheeraato oo waqti qaadato, iyadoo goor dhow uu soo geli doono waqtiga Salaada Duhur oo Xildhibaanada ay u dareeri doonaan, kadibna ay dib isugu soo laaban doonaan, waxaana dhici karta in dooda ay gaarto ilaa galabta, marka loo eego xaalada ka jirta Xarunta Golaha Shacabka