147+ Qof oo lagu dilay weerarkii Jaamacadda Gaarissa, Weerarkii ugu Khasaaraha badna

0
257

Nairobi (INO) – Maalin madow ayay Kenya u aheyd, ugu yaraan 147 ruux ayaa ku dhimatay Weerarkii Jaamacadda Gaarissa, halka dhaawacu uu kor u dhaafay 90, warkaas waxaa Saxaafadda u sheegay Caawa Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya.

Teaser Image 147+ Qof oo lagu dilay weerarkii Jaamacadda Gaarissa, Weerarkii ugu Khasaaraha badna

Weerarkaan oo billowday subaxnimadi hore (Khamista) ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 147 ruux, halka 90 Qof ay dhaawac yihiin, waana Weerarkii ugu weynaa oo Al-Shabaab ay ku qaado Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Joseph Nkaissery ayaa xaqiijiyay in 147-qof lagu diay Weerarka, wuxuuna sheegtay in Khasaaraha uu intaas ka badnaan karo, waana dhimashadii ugu badnayd oo ka dhasha weerar al-Shabaab ka geysatay dalka Kenya. Dadka dhintey ayaa dhamaantiod ahaa ardey iyo macalimiintoodi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in howlgalka ay soo af-jareen ciidamada amniga Kenya, isagoo xusay inaya ku dileen weerarka afartii ruux ee weerarka soo qaaday.

Afhayenka al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in ay dadka u kala saareen Muslim iyo Krishtan “Waan kala soocnay, waxaana ilaa iyo hada sii deynay 15 qof oo Muslim ah”. Waxaa isweydiin mudan, sidee Al-Shabaab u dhihi karaan waxaan kala soocnay Muslimiinta iyo Dadka Khrishtaanka ah, Soomaaliyana ku laanayaan Muslimiin kaliya.

“Dad Salaad ku jira ayay Muqdisho ku xasuuqeen, markaase hada leeyihiin waxaan kala soocnay Krishtaan iyo Muslimiin (…) Kuwaan waa Cudur, waxeyna rabaan in ay isku diraan labada shacab” Ayuu yiri Xildhibaan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay labo ka mid ah dableyda weerarka soo qaadday.

Dowladda ayaa bandow soconaya ilaa berri Subax ku soo rogtay magaalooyinka Garissa, Mandera, Wajir iyo Tana River.

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo maalintii Isniinta uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu sheegay in amaanka Kenya la sugay, lagana adkaaday Kooxda Al-Shabaab.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here