Kampala(INO)— Illaa 14 ruux ayaa lagu dilay dagaa ka dhacay galbeedka dalka Uganda, kaddib markii ay isku dhaceen Ciidamada dowladda iyo maleeshiyo daacad u ah mid ka mid ah boqorada dhaqanka ee dalkaas.
Dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Kasese ee ku taal galbeedka Uganda, waxaana la weeraray saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada booliska Uganda.
Warbaahinta Uganda ayaa sheegeysa in sideed ka mid ah dadkii ku dhintay dagaalka ay ahaayeen askar, halka labo kalena ay ahaayeen maleeshiyaadka.
Afhayeen u hadlay dowladda Uganda ayaa ku eedeeyay maleeshiyada inay doonayaan inay ka go’aan dalka Uganda.
Boqorka dhaqanka ee Rwenzururu, Charles Wesles Mumbere ayaa beeniyay eedeynta loo soo jeediyay kooxdiisa oo ah inay doonayaan inay ka go’aan Uganda.