14 Hay’adood oo Baaq Soo Saaray si Wax Looga Qabto Abaarta Ka jirta Geeska Afrika

0
179

Muqdisho(INO)- 14 hayadood oo arimaha samafalka ka shaqeeya ayaa baaq soo saaray si wax looga qabto abaarta ka jirta Geeska Afrika.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ayay 14kaas hayadood ee samafalku ku sheegeen in gargaar dagdag ah loo baahan yahay in lala soo gaaro ilaa 15 malyan oo qof oo gobolka ku nool kuwaasoo gargaar u baahan.

Hataan ayaa abaar aad u ba’an waxay ka jirtaa Soomaaliya, Itoobiya,  iyo qeybo ka tirsan Kenya.

Dadkaa ayaa u baahan raashin iyo biyo maadaama labaduba ku yaryihiin.

Roobabkii la filaayay min Oktoobar ilaa Diseembar 2016 ayaa baaqday ama si wanaagsan aan u da’in.

Waxay hayadahaasi xuseen in loo baahan yahay in gargaar si dagdag ah dadkaa loola soo gaaro maadaama abaarta laga yaabo inay macaluul keento.

Waxay ugu baaqeen dawladaha iyo deeqbixiyeyaashu inay siiyaan hayadaha qarash wax looga qabto saameynta abaarta.

Sanadihii 2011/2012 waxaa la sheegaa in rubac malyuun Soomaali ah ay abaari ku dishay gudaha Soomaaliya.