Kampala (INO) – 13 shaqsi oo ay Boliska Uganda ku eedeeyen inay ka dambeeyen Qaraxyadii Mataanaha ee Bishii July 11-dii ee Sannadkii 2010-kii ka dhacay magaalada Kampala ayaa lagu wadaa inay Dacwadooda billaaban doonto bilowga Bisha soo socoto ee June 8-deeda.
Sarkaal u hadlay Garsoorka Uganda, oo lagu magacaabo Soloman Muyita ayaa u sheegay Suxufiyiinta in dacwadaasi dib loo Billaabi doono Bilowga Bisha soo socota ee June.
Shaacintaasi ayaa timid wax yar kadib, markii ay Dacwad Oogayaasha iyo Kooxaha Difaacayaasha u ah Eedeysanayaashaasi yeesheen Shir ay Albaabada u Xirteen oo uu Guddoominayey Garsooraha qaadayo Dacwadaasi oo lagu Magacaabo Alfonso Owiny Dollo.
Eedeysanayaasha lala Xiriirinayo Qaraxyaddii Mataanaha ee Kampala ayaa kala ah:-
1. Hussein Hassan Agad,
2. Idris Magondu,
3. Isa Ahamed Luyima,
4. Hassan Haruna Luyima,
5. Abubakari Batematyo,
6. Yahya Suleiman Mbuthia.
7. Habib Suleiman Njoroge,
8. Omar Awadh Omar,
9. Mohammad Hamid Sulaiman,
10. Seleman Hijar Nyamandondo,
11. Mohammad Ali Mohammad,
12. Dr Ismael Kalule,
13. Muzafar Luyima
Qaraxyadii Mataanaha ee Bishii July 11-dii ee Sannadkii 2010-kii ka dhacay Kampala waxaa ku geeriyootay 76 qof oo Daawanayey Koobkii Adduunka oo Markaas ka dhacayay Qaaradda Africa kama Dambeystiisa, kulan u dhexeeyay Xulalka Spain iyo Netherland.
Idale News Online – Muqdisho