Munaasabad si weyn loo soo agaasimay, isla markaana ay ka soo qeyb galeen madax ka socoto Dowladda Federaalka, ururrada Bulshada Rayidka, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho iyo marti sharaf kale laguna maamuusayay sanad guuradii 11-aad ee ka soo wareegatay asaaska ururka Dhallinyarada Kanava ayaa maanta ka dhacday Hotelka Kuwait Plaza ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye K/X Ururka Dhallinyarada Kanava Md. Liibaan Maaxi Macallim oo munaasabadda ka jeediyay khudbad furitaan ah ayaa ka warbixiyay waxqabadka ururka Dhallinyarada Kanava oo la asaasay 2002-dii ay qabatay howlo fara badan.
“Marka la maqlo magaca KANAVA dadki qaarkii waxay u heystaan inuu yahay xarfo la soo gaabiyay, balse sidaa ma aha magacaani waa magac Finland ah oo ay ku midoobeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira kuwo qurba joog ah iyo dhallinyaro ku sugan dalka gudihiisa” ayuu yiri Liibaan Maaxi Macallim oo sheegay in KANAVA dhallinyaro tiradoodu ka badan 8–arday ay ka dhistay dhinaca waxbarashada.
Waxa uu sheegay K/S Guddoomiyaha KANAVA Liibaan Maaxi Macallim in ururkani uu soo maray heerar kala duwan, isla markaana howlihiisa uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jiray xilligii dagaalada sokeeye.
“Ururka Dhallinyarada KANAVA waa wabiga horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ku guuleystay inuu faracyo badan ka furto gobolada dalka intooda badan” ayuu yiri Liibaan Maaxi Macallim oo ballanqaaday inay sii kordhinayaan howlaha kala duwan oo ururkoodu ka qabto dalka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sh. Abuubakar oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qeyb gashay 11-guurada asaaska ururka dhallinyarada Kanava ayaa sheegay inuu isagu halkaasi ka xusay in ururka dhallinyarada Kanava uu si Volunteer ah ula shaqeeyay isla markaana ay ka wada shaqeynayeen horumarinta dhallinyarada.
“Dal wuxuu ku hor maraa haddii dadkiisu ay mutadawacnimo ugu shaqeeyaan, waana inaan ku dadaalnaa in qof kasta oo naga mid ah danta guud uu geliyo laba saac, inta kalena uu danihiisa gaarka ah raacdo” ayuu yiri Dr. Cali Sheekh Abuubakar.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa tusaale u soo qaatay dalalka Japan iyo Mareykanka, wuxuuna sheegay in Japan uu ka hor maray dhinaca shaqada oo dadweynihiisu maalintii 2-saac ay geliyeen inay u shaqeeyaan danta guud.
Dr. Cali Sheekh Abubakar ayaa ku booriyay madaxda Ururka Dhallinyarada Kanava inay sii kordhiyaan dadaalkooda ku aadan sidii dhallinyarada loogu baraarujin lahaa inay is iskaa wax u qabso ah ay ugu adeegaan dadkooda, isla markaana wuxuu ballanqaaday isagoo ku hadlayay magaca Jaamacadda Muqdisho inuu garab taagan yahay howlaha Kanava ay ka wado guud ahaan dalka Soomaaliya.
Munaasabadda 11-guurada ka soo wareegatay asaaska ururka Dhallinyrada Kanava waxaa kale oo khudkabo kala duwan ka jeediyay Guddoomiyaha Dhaqaaqa ururrada bulshada rayidka C/qaadir Gacal Abkow oo sheegay in ururka dhallinyarada Kanava looga baahan yahay inay door weyn ka qaataan munaasabadaan kaddib isla markaana jadwalkooda shaqo ay ku daraan sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.
“Dowlad hadaad maqasho waa dadka, siiba dhallinyarada, ururada Kanava waa inuu xarumo ka furto saldhigyada Booliska, oo askariga haddii uu soo qabto qof dembiile ah ayna arkaan in qofkaasi aanu helin xuquuqdiisa asaasiga ah ay ka celiyaan” ayuu yiri C/qaadir Gacal Abkow.
Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay xubno ka socday ururka la talinta Soomaaliya, Wasaaradda arrimaha bulshada iyo marti sharaf kale, iyadoo ugu dambeyntii halkaasi Guddoomiye K/X Kanava Liibaan Maaxi Macallim halkaasi uu shahaadooyin kala duwan ku gudoonsiiyay ilaa lix arday, inkasta oo uu sheegay in tirada ardayda ay shahaadooyinka guddoonsiinayaan ay intaasi ka badan yihiin.
Idale News Muqdisho