100 qof oo oo Tahriib ahaa ayaa lagu waayey xeebaha Libya

0
251

Libiya(INO)- Qiyaastii 100 qof ayaa la waayey raq iyo ruux midna kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtey meel ku dhaw xeebaha dalka Libya.

Warbixintan ayaa ka timid Hay’ad is-xilqaan ah oo laga lee yahay dalka Jarmalka lana yiraahdo Jugend Rettet, taas oo ka shaqeysa badbaadinta dadka badda ku waxyeelooba.

Hay’adda Jarmalka ah ee is-xilqaantey ayaa sheegtey in ay soo badbaadiyeen 23 qof oo keliya, kuwaas oo ay gaarsiiyeen Markab saliida qaada, waxaana ay hadda baadigoob ugu jiraan 100 qof oo kale raq iyo ruuxdood.

Mid kamid ah dadka la soo badbaadiyey ayaa sheegay in markii doontu ay degtey ay badda dul sabaynayeen muddo ku dhaw afarsaacadood ka hor inta aysan helin gar-gaarka.

– Waxaan doonta ku saarneyn 122 qof, ma jirin caruur ka yar 15 sano, laakiin waxaa kamid ahaa dadka 10 gabdhood, hal mid keliya ayaana gabdhahaas ka soo badbaadey.

– Waxaan ku sugneyn biyaha, waxan isku dayney in aan is qabsano, laakiin qaar badan oo naga mid ah waa hafteen, waxaana kamid ahaa walaalkey iga yar oo jira 15 ayuu yiri qofka la soo badbaadiyey.

Bilowgii bishan Nofeembar waxaa ku geeriyoodey xeebaha Libya 239 qof oo la socdey laba doonyood.

Marka laga yimaado dadka maalinkata ku hafanaya badda u dhexeysa Koonfurta Yurub iyo Waqooyiga Afrika ayeysan dadka kale ka celin dhibtaas oo ay markasta isku so qaadayaan, waxaana xaaladoodu noqotey ama geeri ama nolol.

Soomaali badan ayaa weli ku sugan xeebaha dalka Libya iyo Masar kuwaas oo doonaya in ay tahriib ku so gaaraan xeebaha Koonfureed ee qaarada Yurub.