Muqdisho (INO) – Warar Horudhac ah oo ay KON ka heshay Xarunta Wasaaradda Tacliinta sare iyo Hiddaha oo uu weerar Qarax ku billowday hadda ka socdo ayaa sheegaya in Dhaawacyada 10 qof la geeyay Isbitaalka Madiina oo wax aan ka badneyn 2km u jira Xaruntaas.
Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in ay intooda badan ahaayeen Shaqaalaha Wasaaradda, weerarku hadda waa uu Socdaa oo Rasaas ayaa laga Maqlayaa Xarunta Wasaaradda.
Xarunta Wasaaradda ayaa u dabacsaneyd Weerarro Argagixiso oo Amaanka Xaruntaasi ma uusan aheyn mid loo Adkeeyay sida Wasaaradaha kale ama xataa Hotellada.
Lasoco Warar kale.
Idale News Online – Muqdisho