Cadaado(INO)— Maamulka Galmudug ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay gelinkii dambe ee shalay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Caad iyo Ceel Cabdi oo ka tirsan Gobolka Mudug, ayna kaga dileen illaa 22 dagaalyahan.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagaway) ayaa sheegay in shacabka deegaanadaas oo kaashanaya Ciidamada Galmudug ay xoog isaga saareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
“Shacabka deegaanada Caad iyo Ceel Cabdi waa geesiyaal u istaagay inay iska diidaan AlShabaab, waxayna la galeen dagaal ay ku laayeen 22 Shabaab ah”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan.
Mr Masagawaay ayaa sheegay in Al-Shabaab muddooyinkan ay argagax iyo caga-jugleyn ku hayeen shacabka deegaanka, isagoo ku amaanay dadka deegaanka sida ay isaga caabiyeen.
“Waxaa la joogaa waqtigii shacabka ay oran lahaayeen dooni meyno argagax, dagaalkii maantana waa tusaale fiican oo aan rabno in shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay iska dulqaadaan argagaxa joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab, Ciidanka Galmudug iyo shacabka oo iskaashanayana waxey soo furteen hub fara badan iyo saanad”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Wasiirka Masagawaay shacabka Galmudug inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna si wada jir ah uga hor-tagaan Al-Shabaab.
Idale News Online, Cadaado