Dhageyso:Maamulka Degmada Afgooye oo soo saaray amaro la xariira Amniga xilli degmadaasi ay ka dhaceen dilal qorsheysan

0
296

Afgooye(INO)-Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay soo saareen sharciyo ku aadan inaan hub lagu dhex wadan garin gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in dilal kala duwan ay ka dhaceen degmada Afgooye sidaas darteedna maamulka degmada Afgooye ay soo saareen amaro cusub ee oo ku aadan dhanka amniga,waxaa uu sheegay in tilaabo laga qaadi doono cidii lagu dhex arko iyadoo hub ku dhex wadata gudaha degmada Afgooye.

Dhawaan kooxo hubeysan ayaa degmada Afgooye waxa ay ku dileen 4 qof oo mid ka mid ah uu yahay nabadoon caan ah mana jirto cid ay usoo qabteen maamulka degmada Afgooye.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay