Beesha Caalamka oo diiday Xuseen Cabdi Xalane & Cumar C/rashiid oo Horey U Iibsadey Qiib ka Mid Ah Badda Soomaaliya

0
233

Muqdisho (INO) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’ed, ayaa ku jira Heerkii ugu danbeeyay Wadatashiyada uu kala samaynayo qeybaha kala duwan ee Bulshada & Wakiiladda Beesha Caalamka Qofka uu ka dhigi doono Ra’iisul Wasaara Cusub DF Soomaaliya

Teaser Image Beesha Caalamka oo diiday Xuseen Cabdi Xalane & Cumar C/rashiid oo Miiska saaran

Warar Hoose oo  Idale News Online  ay heshay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis & Diidmo kala kulamayo Ergada Beesha Caalamka u jooga Muqdisho, oo si aad ah uga soo horjeeda in Qof kamid ahaa Xukumaddii RW C/wali laa dhigo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Xuseen Cabdi Xalane, oo ah sii hayaha Xilka Wasiiradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa si weyn loo hadal hahay maalamahan inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha bedeli doona C/wali Sheekh Axmed, balse Rajadaasi ayaa noqatay mid Caqbado soo wajaheen.

Shuruudda Beesha Caalamka ayaa ka celisay Xuseen Cabdi Xalane Tartanka qabashada Xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Fursad helay Cumar C/rashiid Sharma’arke oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Marayekanka.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa u sheegay Xasan Sheekh in uusan Isbedelka dhici doonin haddii Qof kamid ah Xukuumadii fashilantay ee uu Baarlamaanka dhawaan riday loo magacaabo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Cumar C/rashiid oo 2009 – 2010 soo noqday Ra’iisul Wasaare Xukuumaddii KMG ahayd, ayaa Taageero ka haystaa Dowladda Ethiopia, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed  & Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid u yimid Muqdisho, sidoo kalena lagu wado inu lagu dhawaaqo Magacaabistii Maalmaha soo aadan, gaar ahaan Arbacada ama Khamiista, haddii uusan Qorshaha isbedelin.

Idale News Online – Xafiiska Baydhabo, Somalia