Xildhibaanada Barlamaanka oo uu u bilowday kalfadhi aan caadi aheyn muddo bil ah

79

Kulankii koobaad ee kalfadhi aan caadi ahayn ayaa mudanayaasha baarlamaanka maanta ku biloowday magaalada muqdisho waxaana soo xaadiray 143 mudane ajandahuna waxa uu ahaa furitaanka kalfadhiga aan caadiga aheyn,

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo furitaanka kalfadhiga aan caadiga aheyn hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay inay wax lagu farxo tahay in xiligii uu fasaxa ahaa baarlamaanka ay galaan shaqo culus oo muhiim ah,isagoo sheegay in dooda hindise sharciyadeedyada ay bilaaban doonto maalinta biri ah.

ansax

Waa kalfadhigi ugu horeeyay ee aan caadi aheyn oo ay baarlamaanka soomaaliya yeeshaan,waxana isugu yeeray kulankan madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud si ay u dhameystiraan howlaha hindise sharciyadeedyada oo ay xukuumada u soo gudbisay si shacabka soomaaliyeed loogu maamulo,waxayna tilaabadan muujineysaa sida baarlamaanku ay ugu heelan yihiin howlaha sharci dajinta oo ay masuul uga yihiin shacabka soomaaliyeed.

Xigasho RM

 

You might also like More from author

Comments are closed.