Xaalada Caafimaad ee Xasan Daahir Aweys oo liidata, dhiiguna ku kacey markii la geeyey Xarunta Xalane si su’aalo loo waydiiyo

48

Wararka ka soo baxaaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay wateen Saraakiil Cadaan ah kuwaasi oo geeyay Xabsi ku yaalla Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho halkaas oo Su’aalo ay weydiiyeen Saraakiil  Cadaan ah, waxuuna sheeku diiday in uu wax Jawaab ah ka bixiyo.

Xasan-Daahir

Sheekha Aweys ayaa loo Celiyay Xabsiga Nabad Sugida ee Degmada Shibis iyadoo warar nasoo gaaraya ay sheegayaan in Xasan Daahir uu ku kacay Cudurka Dhiiga karka oo uu Horay u qabay.

Xarunta Xabsiga uu ku jiro ayaa ilo Wareedyadu waxa ay inoo sheegayaan in loogu Geeyay Dr Cubeyd Daahir Aweys oo ah Walaalkiis si uu halkaasi ugu Ogaado Xaaladdiisa Caafimaad.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Xalay xilli uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa Jeelka u taxaabay Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed.

 

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.