Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan iyo Wasiirka Dastuurka C/raxman Xoosh oo isku qabtey shahaadada Dugsiga Sare ee laga doonaaya xildhibaanada cusub

37

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa wuxuu Shariif Xasan uu u sheegay in ragga uu keenay qaarkood aysan ka bixin Dugsiga Sare, isla markaasna aysan haysan shahaadada dugsiga sare oo laga rabo.  Balse Shariif Xasan ayaa wuxuu sheegay in shahaadada lagu iibiyo suuqa, ayna joogaan lacag oo kaliya, sidaasi daraadeed uu xildhibaanada shahaadooyinka uga soo iibin doono Suuqa, isla-markaana aanu diidi karin Wasiirka shahaadooyinka loo-keensado.

Sidoo kale Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan waxa uu wasiirka C/raxmaan  Xoosh Jibriil u sheegay in xujo ay wadaan qolooyinka ay soo xuleen wasaaradda uu madaxda ka yahay wuxuuna ku hanjabay in arrinta uu wasiirka u keeney sida uu isaga (Sharif Xasan) rabo ay howshu u dhamaayaan. isla markaasna uu sheegey in wax walibana uu awood u adeegsan doono taasoo ay dad badan oo shacab ah la noqotay arrin ka yaabisey sida cabsida aan laheyn kaamarooyinka hortooda ka sheegayo  wax aan  Gudoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan horey looga baran.

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.