Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe oo si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo,

45

Ka dib dagaal socday labo maalmood oo xiriir ah ayaa ciidamada Axmed Madoobe waxay galabta si buuxda ula wareegeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

kismaayo

Ciidamadii ka soo horjeeday ee uu hogaaminayey Col. Barre Hiiraale ayaa ka baxay dagaalka si lama filaan ah iyagoo aaday magaalada banaankeeda.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa hadda degan mana jiraan wax rasaas iyo madaafiic ah oo dhaceysa, iyadoo ay wadooyinka u soo baxeen dadweyne la yaaban isbedelka dhacay kuwaasoo eegaya burburka iyo khasaaraha uu reebay dagaalka.

C/naasir Seeraar oo ah Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in magaalada ay haatan si buuxda uga hayaan gacanta, ayna ka sifeeyeen wax uu ugu yeeray kooxo isbaheystay oo ka kooban Al-Shabaab iyo dowlada Somalia kuwaasoo uu sheegay iney carqaladeynayeen amaanka.

Sarkaal u hadlay ciidamada Barre Hiiraale ee ka baxay Kismaayo ayaa sheegay in ay joogaan meel aan ka fogeyn Kismaayo ayna dagaal rogaal celin soo qaadi doonaan, isagoo xusay iney xeelad dagaal uga baxeen Kismaayo ka dib markii ciidamada Axmed Madoobe ay gacan ka heleen kuwa Kenya sida uu yiri.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalkii shalay iyo maanta ka dhacay Kismaayo hase ahaatee qiyaastii 20 qof ayaa ku dhintay dad 50 ka badana wey ku dhaawacmeen kuwasoo u badan shacab, isbitaalka Kismaayana waxaa buux dhaafiyey dad fara badan oo dhaawac ah.

Idale News Online, Kismaayo.

You might also like More from author

Comments are closed.