Dhageyso Ahlu Sunna Gobolada Dhexe oo si kulul uga hadlay Arrinta Sheikh Xasan Daahir Aweys

36

Sheekh Xasan Daahir Aways Hogaamiyihii Ururkii burburay ee Xizbul Islaam hadana ka tirsanaa Saraakiisha Al-shabaab ugu saraysa oo dhawaan khilaaf hareeyay hogaanka sare ee Kooxdaasi uga soo baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose soona gaaray magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa Imaanshihiisa degamda Cadaado ka dhashay buuq iyo Kala aragti duwanaansho soo kala dhex galay dhinacyada Siyaasada Soomaaliya.
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/G.Golaha-Talada-Ahlsuuna-G.Dhaxe-Sh.Cumar-Sh.Caaqadir-.mp3]
Ururka Ahlusunna Wal-jamaaca oo kamid ah garabyada Hubaysan ee ka dagaalamada Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay Sheekh Xasan Daahir Aways inuu yahay nin danbi ka galay dadka iyo dalka Soomaaliya isla markaana loo baahanyahay in Cadaalada la horkeeno.
ahluSunnah

Guddoomiyaha Gollaha Talada Ahlusunna Sheekh Cumar Shekh C/qaadir oo la hadlay Kismaayo24.com ayaa shegay Xasan Daahir Aways inuu galay danbiyo kala duwan, isagoona sheegay danbiyadaasi badankooda inuu ka galay shacabka gobolada dhexe wuxuuna ka codsaday Maamulka gacanta ku haya Sheekh Xasan Daahir Aways in ay Cadaalada hor geeyaan si loo tuso danbiyadii uu ka galay Ummada Soomaaliyeed.

Magaalada Cadaado waxaa ka soconayay Saacadihii lasoo dhaafay Wada hadalo ku aadan sidii Dowladda gacanta loogu galin lahaa Sheekh Xasan Daahir Aways, wallow uu Xasan ku adkaysanayo inuu wali sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Dowladda.

You might also like More from author

Comments are closed.