Addis Ababa: Kulankii ugu horeeyey ee dhinacyada dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland oo lagu kala kacey

19

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa kulankii ugu horeeyay oo fool ka fool ah yeeshay wafdi uu horkacayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdigii ka socday Dowlada Federaalka ee Somalia.Ilo xog ogaal ah oo aan ak wareysanay kulanka ayaa rajo xumo ka muujiyay in isafgarad kasoo baxo kulamada labada wafdi dhexmaraya maadaamo oo ay aad ukala fogyihiin.

Kulankii maanta oo ah is aragii koowaad ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac  meel fog kala is-taageen iyadoo aysan jirin wax hormar ah oo laga gaaray kulankii maanta. warar hadda soo dhacaayana ay sheegayaan in labada wafdi ku kala kaceen miiska wada hadalka ka dib markii koox kastaa ay la timid sharuudo adag oo u cuntami waayey. Dowladda Itoobiiya oo iyada leh gogasha shirka ayaa wada in kulan 2aad ay isu soo hor fariistaan labada fadhi, kaasoo la filaayo in beri uu dhaco

addis-ababa
Itoobiya ayaa fududeysay wadda hadaladan waxaana la filayaa in aan wax rajo ah ka soo bixin marka la eego Dowladda Soomaaliya mowqifka ay taagan tahay iyo mowqifka Maamulka Jubbaland.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.