Dhageyso: Khudbadii Gudoomiyaha Barlamaanka Jawaari ee munaasabada 26 June

33

Mudane Madaxweyne, Mudane Ra’iisul Wasaare; Mudane Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka; Mudanyaalka Golaha Shacabka iyo Xubnaha Golaha Wasiirada; Madaxda Maamulka iyo Maaraynta Hay’adaha Dawladda Hawlwadeennada hawlaha  Dawladda Madaxda Maaraye ganacsiga iyo Laamaha gaarka Muwaadiniinta Sarafta leh Walaale iyo Walaalow
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2013/barlaman_jun262013.mp3]

jawaari
Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoonka Baarlamaanka Federaalka    Soomaaliyeed kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golaha Shacabka    Soomaaliyeed, iga guddooma salaam diiran, qaddarin gaar ah iyo HAMBALYO    HAMBALYO HAMBALYO ku aaddab sannadguurda 53-aad iyo habeenkan    xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen.

Hambalyo diiran ayaan u diraya dhammaan shacbiga soomaaliyeed meel kasta    oo ay joogaan, waxaanse rabaa in caawa muwaadin kasta in uu qaato daqiidado    yar oo kooban oo uu xusuusto farxadda iyo rarrayta iyo hilowga aan isu qabnay    26-kii Juun ilaa 1-dii Luuliyo 1960-kii deedna is weydiiyo: Maxaa ina kala    kexeeyey iyo maxaa tala ahoo inoo dan ah.

Aniga iyo xildhibaanada ila da’da ah iyo kuwa usoo goobjoogay waagaas    xorriyada, waxaan isku raacnay in hilowgii ina hayey waagaas maanta mid kasii    kulul uu ina hayo, dhammaan xildhibaanadasiday u dhan yihiin, waxay ku    mideysan yihiin in midnimo iyo walaaltinimo isugu soo hoyanona ay inoo dan    tahay, umaddeena iyo horumarka dalkeenana u roon.

Mudane Madaxweyne, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu soo    dhoweynayaa taageerayaana sii wadidadda wadahadallada dib-u-heshiiska u    bilowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada woqooyiga    Soomaliyeed ee Somailand;

Inta geeddisocodka wadahadallada socdaan taniyo gunaanadkiisa laga    gungaarayo, BFS wuxuu ku talinaya in muwaaddin kasta oo soomaaliyeed heer    kastoo maqaamkiisa bulshadeed yahay uu ka fogaado hadal kasta oo keeni karo    xanaf iyo maandhaaf.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu ku talinaya, in is-dhexgalka iyo    isusocodka bulshada, wada xiriirka dhaqaale, ku dhaqanka iyo xormaynta    Diinta Islaamka iyo maamusidda xeer-dhaqameedka soomaalida, ilaalinta    midnimada dhulka iyo gobannimada umadda soomaaliyeed, wadar ahaantooda    waa dhaqammo isku dhafan iskuna dhidibbo aasan, oo xiriiriya bulshada    soomaaliyeed oo ay dheer tahay hal luqad ay ku wada xaajoodaan. Waxaan    leenahay dhaqan nool oo leh dhiig walaaliya soomaalida oo sinna aan loo kala    furfuri Karin, dhul kasta oo ay ku nool yihiin iyo calan kasta oo ay huwan    yihiin. Saa daraadeed, dhaqammadaas aan soo tilmaanay waa in ay ka mid    ahaadaan qodobbo ka mid ah ajendada geeddisocodka wadaxaajoodkan u    bilowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada Soomaaliyeed ee    Somaliland.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu ku talinaya, in Nuxurka iyo    natiijada wadahadalka in ay waafaqsanaadaan ruuxa iyo axkaamta Dastuurka    Federaalka sida ku meel gaarka loo ansixiyey iyo Dastuurka kama dambayska    ahe, haddi Eebbe idmo, dadweynaha soomaaliyeed sanadka 2015 ku ansixin    doono afti dadweyne.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu ku talinaya, in Xukuumadda    Federaalka Soomaaliya ay la-tashiga arrimaha wadaxaajoodka ballaarisaa si    dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan, intii suurtogal ah, uga wada    qaybqaataan, gaar ahaan muwaddiniinta kasoo jeeda degaanada Gobollada    Woqooyiga Soomaliyeed ee Somalilandna si buuxda looga qaybgeliyaa.

Mudane Madaxweyne, iyo walaalyaal, Soomaalida waa dad yar tiro ahaan,    degaan ahaanse waa dal ballaran oo ina wada deeqa, dadka soomaaliyeedna waa    mid wadaaga waxyaabo maguuraan ah oo siinaya midnimo asal ah (natural    unity/unita’ naturale), inkastoo muddooyinkan dambe aad laysugu diray,    laysugu dilay loona kala dilay, iyadoo aad loogu buunbuuniyey waxyaabaha yaryar  ee kala qaybiya, lagana indhasaabay arrimaha waaweyn ee mideeya,    midnimadaas asalka ah oo keeneysa in run ahaantii ayan jirin baahi lagama    maarmaan ah oo loo qabo kala goynta shacbiga iyo kala qooqoobidda dalka iyo    kala daadin bulshadeed.

Aan wada hadalno waa aan heshiino – Mudane Madaxweyne Mudane    R/Wasaare, wadahadalkan inoo bilowday yuusan hakan … geed dheer iyo geed    gaaban ku kastaba aan u wada fuulno, gogol nabadeed kasta, goob kasta lagu    fidiyo aan u galno, shacbiga soomaaliyeed wuxuu inaga filayaa inaan nabad iyo    walaaltinimo umaddeena isugu soo hoohino oo kuna midowno. Wadahadalku    ha noqdo mid walaaltinimo ee yuusan noqon una muuqan mid weel iyo waalid    ka tarjumaya. Waxaabaha fara ku tiriska ah oo aan ku kala tagsan nahay ha noo    dambeyaan oo arrimaha badan aan ku heshiis nahay aan ku midowno. Wadajir    aan uga baxno gudcurkan dhowr iyo labaatankan sano inagu habsaday.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu idinla diyaar yahay in aan    tageero buuxdo idinku siiyo oo weliba aan idinla hawlgalno.

Shacbiga Soomaaliyeedna waxaan xusuusinayaa in Baarlamaan iyo xukuumad    keligood aanay howshan iyo wada xaajoodkan fulin Karin. Gobbanimada    Jumhuuriyadda, Alaahu SWT ka sokow, shacbigaa leh, ajiga loo adeegayo waa    shacbiga. Hay’adaha Dawladda ma aha wax kale ee waa addimaha u adeega    rabitaanka Shacabka. Saa daraadeed.

Waaa waajib muwaaddin kasta u xilsaaran in midnimada iyo difaaca dalkeena    loo wada guntado, Gobannimada iyo sugidda ammaanka umaddeenana u wada    duubano.

Ugu dambayentii waxaa Allahu swt ka baryeynaa in quluubteena isu soo wada    dumo, dhaahaa wixii dhexdeena ah oo aan isku maandhaafnayna in uu si san,    warsan iyo si suuban noogu islaaxiyo. Waxaan Allahu swt ka baryeynaa inuu    inaga dhigo kuwii dhallinteena dhaxal wanaagsan u reeba, oo adduunyadooda    ku dhaqdaan aakhiradoodana uga tabaasheystaan. Barbaarteenana inuu    xilqaadiyaal suuban oo barakeysan inooga dhigo inta dhunsanna inoo soo    hanuuniya… aamiin! Aamiin! Allahayow amiin!

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.