Wasiiro ka socda Dowlada Somalia oo baladweyne garay

62

wasdd

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda soomaaliya mudane Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada b/weeyne ee xarunt gobolka hiiraan.

Wasiirka oo ay wehliyeem qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya,safiirka dalka jabuuti u fadhiya soomaaliya,gudoomiyah maamulka gobolka hiiraan Cabdi Faarax Sharaawe (Laqanyo),fanaaniin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada b/weeyne waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka hiiraan oo ku diyaarsanaa garoonka.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa markii uu gaaray magaalada b/weeyne waxa uu warbaahinta u sheegay in safarkiisa uu ku wajahanyahay in uu kormeero islamarkaana uu dhiiri galiyo ciidamada xooga dalka soomaaliya ee ku sugan gobolka hiiraan,isagoo sheegay in dhawaan  maleeshiyaadka Al-shabaab laga xureeyn doono deeganada fara ku tiriska ah ee gobolka hiiraan oo ay gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti,isagoo sheegay ciidamadasi uu kala qeyb gali doono munaasabadda xurnimada dalka jabuuti oo ku beegan 27kan bishan June.

Safiirka dalka jabuuti u fadhiya soomaaliya Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed ay kala qeyb gali doonaan munaasabadaha 26ka June iyo 1da Luuliyo,isagoo sheegay n ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada b/weeyne ay la wadaagi doonaan farxadda maalinta xuriyada ee dalka Jabuuti.

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa magaalada b/weeyne kulamo kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka ayaa shacabka ku dhaqan magaalada b/weeyne uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen magaaladaasi,isagoo tilmaamay in shacabka ku dhaqan gobolka hiiraan ay taageersanyihiin dowlada soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.