Madaxweyne Xassan iyo RW Saacid oo ka tacsiyeeyay Geeridii xaqa aheyd ee ku imaaday Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse

97

iui

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi ha u naxaristee Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maanta ku geeriyoodey Dalka Filand.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa sheegay in Boqor Cabdullaahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda Soomaaliyeed waxa uuna yiri “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Boqorka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan Taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqortooyo oo waqtigiisa ku bixiyey nabadeynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md.Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxa uu sidoo kale tacsi tiiranyo leh diray qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan Salaadiinta Soomaaliyeed isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo galabta ku geeriyoday dalka Finland.

Ra’isul wasaare Saacid waxa uu yiri “Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhamaaday, waxaana aad noo taabatay geerida naxdinta leh ee ku timid Boqor Cabdulahi Boqor Muuse, oo runtii ahaa nin magac weyn ku leh gayigga Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd mid dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba, Boqorku waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay sidii dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen mudadii lagu jiray bur-burka, wuxuuna xilal muhiim ah ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa iyo kuwii ka danbeeyey intba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ilaahay uga baryey marxuumka inuu janatul fardowsa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay.

—DHAMAAD—

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.