Itoobiya oo u kala dab qaadeysaa Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iyo Dowlada Federaalka Somalia

54

Waxaa maalmahan socday waan waan laga dhaxwaday Dowlada dhexe ee Somalia iyo maamulka Jubbaland.Dowlada Ethiopia ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay ku howlanayd sidii ay uwada hadashiin lahayd maamulka Jubbaland iyo Dowlada dhexe ee Somalia iyadoo ku guulaysatay in labada dhinac ogalaysiiso inay is horfariistaan kana wadahadlaan khilaafka dhexyaala.

itobiya

Gudiyo ka kala socda labada dhinac ayaa isbuucan gudihiisa isku horfariisan doona magaalada Addis Ababa iyadoo halkaa uu ku dhexdhexaadin doonto dowlada Ethiopia.

Si rasmi ah looma ogo qodobada iyo ajandaha kulanka labada dhinac dhexmari doona balse waxaa xaqiiq ah in labada dhinacay si dhab ah oo aan leex leexad kujirin uwada hadli doonaan.

Wafdiga Dowlada waxaa hogaaminaya wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir halka wafdiga Jubbaland uu hogaamin doono madaxweynaha maamulka Jubbalan Axmed Maxamed Islaan waxaa sidoo kale wafdiga Jubbaland wada hadalada uga qeybgalaya kamida prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

Lama oga maalinta rasmiga ah ee wadahadaladu furmayaan haseyeeshee xog lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa in wadahadaladu ay horaadka isbuucan furmayaan

Idale News Online, Mogadishu, Somalia

You might also like More from author

Comments are closed.