Koob loogu dabaaldagayo sanad guuradii shanaad ee Horyaal Sports oo ka furmay Degmada Dharkeenley

59

horyaal ok
Waxaa si rasmi ah uga furma garoonka Saciid Mugaambe koob loogu dabaaldagayo sanad guuradii shanaad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay Wargeyska ka faallooda arrimaha ciyaaraha ee ee Horyaal Sports.

Koobkan oo ay ka qeyb galayaan siddeed kooxood ayaa furitaankiisa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin badan oo ka socotay guddiga Olombikada Gobolka Banaadir iyo kan Degmada Dharkeynley iyo marti sharaf kale.

Kooxaha Muna Express iyo GBC ayaa lagu furay koobkan waxaana ciyaartaas ay ku soo idlaatay 4-1 oo guusha ku raacday Muna Express, iyadoo sidoo kale ay wada ciyaarayaan galabta kooxaha Baari Electronic iyo Liibaan Business, waxaana munaasabadii lagu furayey tartankaasi ay ka dhacday degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Koobkaan ayaa ah koob sanad walba uu dhigo Wargeyska Horyaal Sports oo ah Wargeyska kaliya ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho kana faallooda arrimaha Ciyaaraha.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.