Daawo: Magaalada Kismaayo oo la ciirciireysa ciidamo hubeysan oo gudaha magaalada ku soo badanaya

55

Tan iyo markii ay magaalada Kismaayo gacan ku haynteedu  la wareegeen ciidamada maamulka hadda ka arrimiya ee Jubaland  waxaa magaalada ku soo badanaayey tirada] gaadiid iyo maleeshiyaadka hubeysan ee lagu dhex arkaayo gudaha magaalada xeebta ah ee Kismaayo. Waxaad wadooyinka magaalada ku arkeysaa gaadiidka dagaalka oo si xowli ah ku socda iyo rasaas macno daro loo diro mararka qaar, taasoo cabsi iyo welwel aan la soo koobi karin ku abuurtey shacabka magaalada Kismaayo.


Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe ayaan iyagu ku guuleysan in maleeshiyaadka hubeysan ee meel kastaa magaalada la taagan qoryaha hub ka dhigis ku sameeyaan iyo in ay sidoo kale xakameeygaadiidka dagaalka ee xawaaraha ku socda ee shacabka qaati ka jogaan.

militiaMagaalada Kismaayo oo beelaha wada dega ay dhamaantood hubeysan yihiin ayaan la garan karin in maamulka uu ku guuleysan karo inuu hub ka dhigis ku sameeyo ama ugu yaraan  awood u yeesho in baro cayiman la geeyo maleeshiyaadka tirada badan ee magaalada dhex ceegaaga.

Idale News Online, Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.