Daawo: Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacey Xarunta UNDP ee u dhow Airport Mogadishu

Warar kala duwan oo daqiiqo daqiiqad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii Ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday Xarunta UN-ka ku leeyihiin magaalada Muqdisho, halkaasoo horay u aheyd xarunta UNDP ee Soomaaliya, balse xilligan ay ku howl galaan Hey’adaha Qaramada Midoobey.

Inta la xaqiijiyay 14-ruux ayaa ku dhintay, kuwaasoo afar ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib ka shaqeyneysay Xarunta UN-ka, iyadoo mas’uuliyada weerarkaas ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab oo horay weeraro sidan oo kale oo ay aad uga soo shaqeysay ka fulisay Muqdisho.

Dhismaha xaruntan oo ah mid ballaaran ayaa la sheegay in albaabka dambe laga bixiyay shaqaalihii kale, markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay albaabka hore ee dhanka laamiga ah.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gacanta ku haya ammaanka xarunta, iyadoo ay xiran tahay wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo isgoyska KM4

Hadaba halkan waxaa idinku soo gudbineynaa sawirada weerarkii lagu qaaday Dhismaha Xarunta, sidoo kale waxaa idin balan qaadeynaa sawiro kale oo dheeraad ah.


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


Comments are closed.