Digniin kama dambeys ah oo loo diray Dadka ku nool guryaha Dowladda

tttt

Dowladda Somalia ayaa waxa ay digniin kama dambeys ah u dirtay Dadka ku nool guryaha ay Dowladda leedahay.

Taliyaha Ciiddamadda Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye guuto, Xusein Xassan Osmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu digniin kama dambeys ah u diray Shacbiga weli degan guryaha Dowladda.

Taliyaha waxa uu sheegay in Dowladda aysan mardambe jeedin doonin Digniin, isagoona hoosta ka xariiqay in Dowladda ay adeegsan doonto Awoodeeda haddii la waayo fulinta Awoomirta Dowladda ay u direyso Shacbiga.

Sidoo kale, Taliyaha Ciiddamada Asluubta waxa uu sheegay in Dowladda ay xiligaani baahi u qabto Guryaha ay dadku ku sugan yihiin, wuxuuna Tilmaamay in muddo ay kusoo mooden dadkaasi guryaha Dowladda haddana loo baahan yahay inay baneeyan.

Ugu dambeyntii, waxa uu Taliyaha Xusay in lagama maarmaan tahay in laga baxo guryaha Dowladda hadii Arrintaasi la waayo ay Talaabo qaadi doonaan.

Idale News Muqdisho

Comments are closed.