Madaafiic Xalay lagu weerarey xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

40

Madaafiic Hoobiyeyaal ayaa xalay mar kale lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo madaafiicdii xalay ahaayeen kuwo kooban.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ku dhaawacmeen hooyo iyo caruurteeda oo madfac ugu soo dhacay hoygooda oo ku dhawaa nawaaxiga Madaxtooyada.

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay meel u dhow Guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo saaka dadka ku dhaqan degmada Wardhiigley ay wax iska weydiinayeen madaafiicdii xalay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay markii ay dhagahooda ku soo dhaceen madaafiicda ay argagagax gashay, isla markaana hurdada ka salaleen.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii madaafiic lagu garaacay Madaxtooyada, xilli uu ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya, hase ahaatee xalay Madaxweynaha dalka waa uu ka maqnaa.

hoobiye

You might also like More from author

Comments are closed.