Daawo: Axmed Madoobe iyo wafdi la socda oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya, si diiranna halkaas loogu soo dhaweeyey

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii uu casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Wafdiga uu hogaaminayay Axmed Madoobe ayaa diyaarad ka raacay garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo socdaalkan uu yahay kii labaad oo uu kaga ambabaxo Kismaayo, tan iyo markii bishii la soo dhaafay doorasho dhacday loogu doortay.

 

Hase ahaatee tagistiisa Addis Ababa ee xilligan ayaa waxay siyaasadiisa kaga aadan xoojin maamulkiisa u fureysaa bog cusub, maadaama Itoobiya ka mid tahay dowladaha gobolka ee saameynta badan.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa waxaa ka mid ah Max’ed Yuusuf Awlibaax, Prof Gaandi, Generaal Darwiish, iyo xubno kala oo maamulkiisa miisaan weyn ku leh.

Dowladda Kenya ayaa la rumeysan yahay inay taageero u heyso Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo ka xigsatay dhinacyada kale ee ku sugan Kismaayo, waxaana taasi ay keentay dowladda Soomaaliya ay ku dhaliisho.

Idale News Online

 

 

 

Comments are closed.