Shirkadda Air Uganda oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso duulimaadkeeda Muqdisho

54
 oopopopopo

Qoraal ka soo baxay Madaxa sare ee Shirkadda Duulimaadka Air Uganda, ayaa waxaa lagu sheegay in Diyaaradaha Dalka Uganda si toos ah uga hawlgali doonaan Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Siddeedda Bisha July ee nagu soo began ay Air Uganda billaabeyso duullimaad toos ah oo ay ku kala goosheyso garoomada diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho iyo Entebbe ee dalka Uganda.

Ugu dambeyntii Laba bil ayaa kasoo wareegtay xiligii ay Dowladda Uganda shaacisay in Duulimaadyo ay ka hirgalin doonto Magaallada Muqdisho, waxaana maanta xigta in Maamulaha Sare Shirkadda Diyaaradaha uu daboolka ka qaaday in Bisha July ee nagu soo began ay si toos ah u bilaabayaan Duulimaadkooda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.